3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 26, 2021
Fanaanka caanka ku ah Dhaantada ee Cali dhaanto oo maanta degaanka soo gaaray
 

Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Tan iyo intii degaanka uu ka hanaqaaday isbaddalku, waxaa degaanka dib ugu soo noqonayay qurba joogtii degaanka u dhalatay iyo dadkii iyaguna degaanka u dhashay ee ka baxay dalka wakhtigii ay xukuumaddii hore jirtay.

Haddaba waxaa maanta degaanka soo gaaray fanaanka caanka ku ah dhaantada ee Cali Bashiir (Cali dhaanto) oo muddo aad u dheer degaanka ugu dambaysay, iyadoo ay si heer sare ah garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyeen fanaaniinta degaanka iyo taageerayaashiisa oo aad u badan.

Cali Bashiir oo loo yaqaano Cali dhaanto ayaa lagu xasuustaa dhaantooyin dal iyo dibadba caan ka noqday, isagoo fankiisa caanka noqday uu ka bilaabay degaanka Soomaalida, waxaana la sheegaa inuu yahay ninkii u horeeyay ee degaanka keena ciyaarta iyo heesaha dhaantada oo la casriyeeyay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/26/2021 8:46 AM EST
Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Munaasibad loo qabtay difcadii 14aad ee ka qalinjebiya jaamacad Nugaal ayaa ka dhacday xarunteeda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

8/26/2021 8:32 AM EST
Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Warbixin laga soo saaray shirkii 78aad ee golah wasiirada Somaliland, oo uu shirguddoominayay madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay 20% kordhinayso mushaarka ciidamada.

8/26/2021 8:24 AM EST
Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Wararka haatan ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Badbaado Hiiraan iyo kuwa Hirshabeelle ay ka taagan tahay xarunta maamulka gobolka Hiiraan yo xerada lamagalaay.

8/26/2021 7:27 AM EST
Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa dib ula wareegtay deegaannada Bacaadweyne, Camaara iyo Qeycad ee koonfurta gobolka Mudug, sida lagu sheegay warar lagu faafiyay baraha internetka ee faafiya wararka Alshabaab.

8/26/2021 5:36 AM EST
Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa soo saartay amaro lagu mamnuucaayo in hubka lagu dhex qaato magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Jubbaland.

8/26/2021 5:33 AM EST
Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo culus oo ka dhacay deegaanada Hosingoow iyo Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab.

8/26/2021 4:08 AM EST
Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay horraanta bisha soo socota Soomaaliya usoo dirayso 1,846 askari oo ku biiraya ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.