4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 26, 2021
Dowladda Uganda oo bisha soo socota Soomaaliya usoo diraysa ku dhawaad 2, 000 askari
 

Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay horraanta bisha soo socota Soomaaliya usoo dirayso 1,846 askari oo ku biiraya ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee dowladda Uganda, Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya in aysan u tagayn Soomaaliya si ay u helaan dhaqaale, balse ay tahay in ay sugaan nabadda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa Arbacadii kula hadlayay 2127 askari Xarunta Tababarka Taageerada Nabadda ee Singo (PSO-TC) ee Degmada Nakaseke.

 Wadar ahaan 1,846 oo ka mid ah 2,127 oo Singo ku qaadanayey tababar horudhac ah ayaa la geyn doonaa Soomaaliya horaanta bisha soo socota.

“Sababta aan ula dagaallano Alshabaab ee Soomaaliya waa nabad, uma joogno dahab, dheeman, ama lacag. Dadka qaar baa laga yaabaa inay sidaas u fikiraan laakiin ujeeddadayadu waa inaan ka caawino walaalaheena sidii ay nabad u heli lahaayeen maxaa yeelay ma doonayno inaan aragno iyagoo rafaadsan, ”ayuu yiri Lt Gen Kainerugaba.

Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya iyagoo ka tirsan AMISOM 2007 -dii.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online