4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Somaliland oo xabsiga kasii daysay rag muddo dheer u xidhnaa argagixiso-nimo
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga kasii daysay 5 nin oo falal argagixiso ugu xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Hargaysa, kuwaasi oo qaarkood muddo 20 sano ku dhaw xabsiga ku jireen.

Raga lasiidaayay ayaa waxa kamid ah Cabdiraxman Indha-cadde, Daa'uud Salax Iidle, Jaamac Kuutiye iyo Cabdiraxman Diyo oo lagu helay in ay ka danbeeyeen dilal khaarajin ah, oo sanadkii 2003 lagu dilay gabadh Talyaani ah oo kalkaliso caafimaad ka ahayd Isbitaalka Boorama, iyo macalimiin ajinabi ahaa oo wax ka dhigi jiray dugsiga Sos ee magaalada Sheekh.

"Aad baan ugu mahad celinayaa dadkii soodayn tayda ka qayb qaatay, waxan xidhnaa 17 sano, cafis madaxweyne ayaan kusoo baxay, saddex nin oo saxibaday ka mid ah ayaa xoriyadooda helay" Cabdiraxman Indha-cadde ayaa sida Somali Cable u sheegay.

Waxa kale oo lasii daayay Cabdillaahi Maxamuud Yusuf oo muddo 3 sano iyo 7 bilood ah xabsiga ugu jiray danbiyo la xidhiidha in uu ku lug leeyahay ururka Daacish, ee ka dagaalama gobolo adduunka kamid oo Soomaaliya ku jirto. Yusuf ayaa madaxweynaha uga mahad celiyay soo dayntiisa.

"Marka hore Alle ayaa mahada iskaleh, waxa kaloon u mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, aad iyo aad ayaad u mahadsantahay ayaan ku leeyahay mudane madaxweyne, raganimo ayaad na tustay ayaanu ku leenahay, Soomaalina tusaale ayaad u noqonaysa " ayuu Cabdillaahi Maxamuud Yuusuf ayaa sida Somali Cable u sheegay.

4 kamid ah raga maanta lasii daayay ayaa xabsiga la dhigay wakhtigii madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin halka ninka 5aad na la xidhay sanadkii 2017.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]