4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Hanti dhowrka Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay masuuliyiin loo haysto musuq maasuq maaliyaddeed
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Hanti dhowrka guud ee Punland ayaa shaqo joojin ku sameeyay masuuliyiin loo haysto in ay ku kaceen musuq maasuq iyo wax isdaba marin, sida lagu sheegay qoraal rasmi  ah oo soo baxay xalay.

Masuuliyiinta shaqada laga joojiyay waxaa kamid ah agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax iyo agaasimayaasha waaxyaaha maaliyadda ee waxbarashada.

Masuuliyiintan ayaa loo haystaa inay lunsadeen dhaqaale loogu talo galay horumarinta waxbarashada Puntland, kaddib markii dhawaan ay soo ifbaxeen in musuq maasuq lagu sameeyay dhaqaalaha loogu talo galay sixitaanka imtixaanada shahaadiga ee Puntland.

Hanti dhowrka guud ee Puntland ayaa sidoo kale xayiraad kusoo rogay dhammaan akoonada wasaaradda waxbarashadu ku leedahay bangiyada gaarka loo leeyahay Dahabshiil iyo Amal.

Maalmo ka hor ayaa sidoo kale shaqo joojin lagu sameeyay agaasimayaal katirsan wasaaradda qorshaynta Puntland oo lagu eedeeyay musuq maasuq.

Waa markii ugu horraysay oo tallaabo nuucaan ah uu qaado hantidhowrka Puntland oo horay loogu dhalliili jiray in aanu waxba ka qaban musuq maasuq ka dhex jira hay’addaha Puntland.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online