4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 24, 2021
Dowladda Degaanka Soomaalida oo awaamir hor leh kasoo saartay dhanka sugidda amniga degaanka
 

Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Kulan uu hoggaaminayay Madaxwayne Mustafe cagjar islamarkaana ay kasoo qayb galeen laamaha amniga ee degaanka ayaa waxaa uu ka qabsoomay magaalada Jigjiga.

Kulankan oo ahaa mid lagaga hadlayay xaaladda ammaanka ee degaanka, ayaa waxaa la isla qaatay qodobo muhiim u ahaa sii xoojinta ammaanka ee degaanka Soomaalida.

Haddaba qodobada lago'aamiyay ee lagu sii xoojinayo nabadgalyada degaanka ayaa waxaa ka mid ahaa, sidii loosii xoojin lahaa sugidda amniga ee dhanka xuduudaha degaanka gaar ahaan ladagaalanka kooxda Al Shabaab. In laga tallaabo qaado dadyowga lala xiriirinayo inay taageerada umuujinayaan kooxda ay dawladdu u aqoonsatay Argagaxisada ee TPLF.

Waxa kaloo kamid ahaa qodobada maanta la go'aamiyay in laga hortago isku dhacyada qabaa'ilka iyo waliba sidii looga hortagi lahaa hubka aan sharciga ahayn.

Qodobadan maanta la go'aamiyay ayaa kusoo hagaagaya iyadoo Madaxweynuhu uu horey uga dhawaajiyay in ladardargalinayo hawlaha lagu sii xoojinayo nabadgalyada degaanka, isla markaana uu sheegay in gacan adag lagu qaban doono dadka taageerada u muujiya kooxda ay dawladdu u aqoonsatay Argagaxisada ee TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]