4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 24, 2021
Golaha wadatashiga qaran oo oggolaaday in laga wada hadlo cabashada musharraxiinta ka muujiyeen hab-raaca doorashada aqalka hoose
 

Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa oggolaaday in laga wada hadlo qodobbada ay cabshada iyo diidmada ay Midowga Musharrixiinta ka keeneen habraacii doorashada Golaha Shacabka.

Oggolaanshan ayaa ka dambeeyay kaddib markii ay xalay kulan Muqdisho kuwada qaateen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo musharraxiinta, iyadoo markii dambena uu kusoo biiray raysal wasaaraha.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee  BBC-da, ayaa sheegay in guddi gaar ah oo labada dhinac ah loo saaray sidii turxaan bixin loogu sameyn lahaa walaaca musharraxiintu ka muujiyeen habraaca doorashada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in ay ka cabanayaan culaysyo badan oo la dulsaaray ergooyinka, sida qarashka isdiiwaan galinta ergooyinka iyo hubinta xagga amniga oo uu sheegay in ay shaki abuurayso.

“Filasho fiican ayaan ka qabnaa sidii aanu kuwada hadalnay dowlad goboleedyada iyo markii dambe oo raysal wasaaruhu nagusoo biiray. Runtii dadkoo dhan waxaa ka go’nayd in la xalliyo waxa jira. Niyad wanaag ayayna dooddu ku socotay. Iima muuqan cid wax gooniya jiidanaysay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waa kulankii ugu horreeyay oo arrimaha doorashada ku saabsan oo si toos ah u dhexmara golaha wadatashiga qaran iyo midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online