4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 24, 2021
Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Camaara Al-shabaab iyo dowladda oo guulo ka kala sheegtay
 

Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in waabarigii hore ee saakay weerar qarax ku bilaawday ay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab Saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Weerarka qaraxa kadib ayaa ayaa la sheegay inuu Al-shabaab iyo ciidamada dowlada dhexmaray dagaal aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Mikitariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay iney khasaare xoogan gaarsiyeen dagaalamayaashii soo weerar ee Al-shabaab, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan hub iyo gaadiid dagaal ay kaga qabsadeen dagaalka saakay.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay waaberigii ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, islamar ahaantaana ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka iyo waliba hub iyo gaadiid dagaal, sida ay ku shaaciyeen baraha ay ku leeyihiin Internetka.

Degaanka Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kamid yahay Goobaha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay dhawaan dagaalada kula wareegeen.

Majirto marka laga soo tago sheegashada guulaha labada dhinac ay kala sheegteen warar madax banaan oo xaqiijin kara xaalada dhabta ah ee deegaanka Camaara ay ku sugan tahay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]