4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Doorashadii Degaanka Soomaalida iyo degaanadii hadhsanaa oo mar kale dib u dhacday
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Go'aan mar dhawayd kasoo baxay Guddida Doorashooyinka Itoobiya ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay doorashadii degaannadii hadhsanaa ee ay Soomaalidu ku jirtay.

Guddidan ayaa sheegtay in sababo jira awgood dib loogu dhigay doorashooyinkii ka dhici lahaa degaannadii hadhsanaa ee uu ku jiray degaanka Soomaalidu, waxaana la qorsheeyay in doorashada la qabto bisha soo socota ee September 20keeda.

Inta badan dalka Itoobiya ayay dhawaan ka qabsoontay doorashada heer fadaraal iyo tan degaannada, waxaana xilligaa dib loodhigay degaannada qaar oo loo aqoonsaday in wakhtigaa aysan doorasho ka dhici karin sababo lala xiriiryay amni darro iyo waliba cabashooyin ay soo gudbiyeen xisbiyada mucaaradku, taana ay sababtay in dib loo dhigo degaannada qaar oo uu ku jiro degaanka Soomaalidu.

Haddaba markan ayaa noqonaya markii labaad ee dib loo dhigo doorashada degaannadan, iyadoo markan aan si waafi ah loo bayaamin sababaha dib loogu dhigay doorashada.

Ma jiro wali war kasoo baxay dhanka xisbiyada siyaasadda oo ku saabsan go'aankan ay maanta soo saareen Guddida Doorashooyinka ee heer Qaran.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]