4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Maxkamadda ciiddamada qalabka sida oo 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Daacish katirsanaa
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciiddamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saakay  Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale oo lagu eedeeyay inuu katirsan yahay Daacish ku xukuntay 15-sano oo xabsi Ciiddan ah.

Maxkamadda waxay ninkaan ku heshay in uu ahaa u qaabilsanaha kooxda Daacish lacagaha la isugu diro Xawilaaddaha.

Warbixintiisa dacwadda waxaa lagu sheegay, in sannadihii 2019-2020 uu lacag ka badan $400,0000 u isticmaalay shirkad lagu magacaabo Heeryo trading interprise

Maxkamaddu waxay sheegtay in lacagtaasi qaarkeed ay u gacan gashay muwaadiniin u dhashay Uganda iyo Ethiopia oo ku sugan South Africa.

Hay’adda NISA ayaa la sheegay in ay bishii Seddaxaad ee sannadkan qabatay eedeysanaha oo sitay lacag dhan $19,000.

Intii uusan ku biirin Daacish 2016, maxkamaddu waxay sheegtay inuu katirsanaa Alshabaab illaa 2008, sidoo kalena uu dhaawac ka soo gaaray dagaalladii u dhexeeyay Alshabab iyo Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Shariif Sheikh Ahmed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online