4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Puntland oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo ku wajahan xeebaha gobolka Bari
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab xooggan oo dabeeylo wata oo ku wajahan dhulka xeebaha ee Puntland.

Maamulka ayaa faray shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.

Sidoo kale waxaa la faray Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Bari in ay 48 saac ee socoda ay wax gaadiid ah u bixi karin badda, sidoo kale waxaa la faray Isu-Duwayaasha wasaaradaha dekadaha iyo kalluumaysiga in ay si dhow uga war-hayaan arrintaas.

Maamulku wuxuu sidoo kale sheegay in roobabka dabaylaha wata ay Sidoo kale gaari karaan Gobolka Gardafuu.

Puntland sanad walba marka la gaaro sannadka dhammaadkiisa waxaa kusoo laablaabta roobab dabeylo wata oo inta badan geysta khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Sannadkii lasoo dhaafay dhammaadkiisii, 9 qof oo Yemeniin ah ayaa ku geeriyooday duufaano ku dhuftay xeebaha gobolka Bari, sidoo kale boqolaal qoys ayaa ku hanti beelay, kuwaas oo isku bedelay baracakayaal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online