4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Xildhibaan Goodax Barre oo sheegay iney go'doon ku jiraan Yuusuf Dabageed iyo Siyaasiyiin Muqdisho Ka raacay
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin dhowr ahaa oo dhawaan la tagay Baledweyne ay ku jiraan xaalad go'doon ah.

"Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin uu ka watay Muqdisho ayaa ku jira xaalad go'doon ah kadib markii ay isku hareereeyen ciidanka lanwareegay dhamaan xarumahii maamulka gobolka, waxaana suurtagal ah in laga soo masaafuriyo magaalada Baledweyne" ayuu yiri Xildhibaan Goodax Barre.

Hadalka Xildhibaan Goodax Barre ayaa imaanaya iyadoo xalay qalalaaso xoogan ay ka dhaceen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku saabsan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la wareegay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan.

Xaalada Baledweyne ayaa xalay aheyd mid aad u kacsan waxaana ilaa saqdii dhexe ee xalay magaalada lagu dhex arkaayay boqolaal dad weyne ah oo isugu baxay banaanbaxyo looga soo horjeedo Hirshabeelle laguna taageerayo ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan ee ka horyimid imaashaha Cali Guudlaawe ee lagu waday in maanta si xoog ah looga dajiyo magaalada Baledweyne.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]