4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Wafdi ka socday dalka Kenya oo soo gaaray Jigjiga
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Waxaa galinkii hore ee shalay soo gaaray caasimadda degaanka Soomaalida ee Jigjiga wafdi ka kooban xildhibaano ka socday dalka Kenya.

Wafdigan oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxda degaanka u saraysa oo u horeeyo Madaxwayne ku xigeenka degaanka Soomaalida Ibraahim Cismaan.

Haddaba Madaxwayne ku xigeenka degaanka Ibraahim Cismaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay wafdiga xildhibaanada Kenya ee maanta booqashada ku yimid degaanka, wuxuuna sheegay in degaan ahaan ay ka go'an tahay sidii loo adkayn lahaa xiriirka midnimada iyo walaaltinimada dalalka uu dariska la yahay degaanka Soomaalidu.

Dhankooda xildhibaanada Kenya ee soo gaaray degaanka Soomaalida ayaa iyaguna sheegey inay aad ugu faraxsan yihiin booqashadooda degaanka iyo sida loogu soo dhaweeyay degaanka, iyagoo u mahad celiyay mas'uuliyiinta soo dhawaysay oo u horeeyay Madaxwayne ku xigeenka degaanka Ibraahim Cismaan.

Wafdigan ayaa maalmo ku sugnaan doona degaanka, waxaana la filayaa in galinka dambe ee maanta kulan isugu yimaadaan wafdigan iyo xukuumadda degaanka, sida uu sheegay Madaxwayne ku xigeenku.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]