4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 15, 2021
Afhayeenka Kulmiye "Doorashada madaxtooyadu ma qabsoomayso 2022"
 

Axad, Agoosto, 15, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sheegay in doorashada madaxtooyada Somaliland anay qabsoomaynin sanadka danbe madaama oo 10 kii sano ee sharcigu siinayay in ay shaqeeyaan xisbiyada hada jooga ay dhaamaanayso.

Buuni ayaa sheegay in doorashada furista ururada siyaasada Somaliland ay kasoo horayn doonto doorashada madaxtooyada Somaliland oo la rajaynayay in loo dareero 13 November ee 2022, wuxuuna ku sababeeyey in xisbiyada hada jooga ee Kulmiye, UCID iyo Waddani uu liisankoodu dhacayo isla sanadka danbe.

"2022 liisankii axsaabta ayaa dhacaya markaa doorasho madaxtooyo lama gali karo, xisbiyo liisankoodii dhacay doorasho magalayaan taana saddexda xisbiba haku baraarug sanaadaan, doorashadii guurtidana waynu qabanaynaa, ta madaxtooyaduna wayku xigaysa" ayuu yidhi.

Qorshaha xisbiga Kulmiye ee ah in doorashooyinka guurtida iyo ururada siyaasada laga soo horaysiiyo doorashada madaxtooyada, ayaa haday suuro gasho madaxweyne Biixi u sahli doonto in uu xukunka baaqi kusii ahaado mudo dheeraad ah oo aan sharci ahayn.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]