4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 15, 2021
Maamulka Koonfur Galbeed oo soo gabagabeeyay Doorashada Kuraasta Aqalka sare oo maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo


Axad, Agoosto, 15, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo doorashada sadax kursi oo ka mid aheyd kuraasta Aqalka sare ee ka harsaneyd 8-da kursi ee Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya

Kursiga koowaad ee doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo waxaa ku wada tartamay wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi waxaa ku guuleystay wasiir Xasan oo helay codad gaaraya ilaa 74 cod, iyadoo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu isna helay 14 cod, halka Saddex codna ay halaabeen.

Kursiga labaad ee doorashada maanta ka dhacday Baydhabo waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdiqaadir Cabdi Axmed waxaana ku guuleystay Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo helay codad dhan 68 halka Cabdiqaadir Cali Axmed oo la tartamayay uu heley 22 cod, waxaana halaabay 1 cod.

Kursiga ugu dambeeyay oo ahaa  kursiga sadaxaad kana dhigaayay tirada guud kursiga sideedaad mudanayaasha ee golaha Aqalka sare ku matalaya dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ku wada tartamay  Cabdiwali Maxamed Ibraahim iyo Cabdullaahi Roobow Maxamed, waxaana ku guuleytay tartanka Cabdiwali Maxamed Ibrahim oo heley codod gaaraya 68 cod, halka Cabdullaahi Roobow Maxamed uu isna heley 18, waxaana la sheegay iney halaabeen 2 cod.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta noqday maamulkii labaad ee  dhameystira doorashada kuraasta Aqalka sare oo ka koobneed sideed kursi oo ay ku leeyihiin Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]