4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 15, 2021
Guddiga doorashada: Hab'raaca doorashada aqalka hoose wax awood ah kuma lahaan doonaan dowlad goboleedyada
 

Axad, Agoosto, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashada heer federal Maxamed Xasan Cirro, ayaa sheegay in ay hab-raac cusub ee loo sameynayo dooorashada aqalka hoose si aanay saamayn ku yeelan doonin dowlad goboleedyada sida dhacday aqalka sare.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in hab-raaca cusub uu xoojindoono in si furan loogu tartamo dooraahada aqalka hoose oo aysan dhicin in cid gaar ah u afduubnaato ama tartamayaal laga reebo doorashada sida dhacday doorashadii 2016.

Guddoomiye Cirro wuxuu iska fogeeyay in guddigooda lagu eedeeyo habka ay u dhacday doorashada aqalka sare oo ah in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay lasoo baxeen musharraxiin ku yimid rabitaankooda.

Wuxuu tilmaamay in hab-raaca doorashada aqalka sare uu awoodda siinayo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, taasoo keento in ay saamayn ku yeeshaan habka ay doorashada u dhacday.

Wuxuu sheegay guddiga doorashadu in ay awoodda ugu badan ku leeyihiin doorashada aqalka hoose islamarkaana wixii eed ah oo ka dhasha ay masuuliyaddeeda qaadan doonaan.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online