3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 13, 2021
Guddoomyihii guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo Muqdisho ugu geeriyooday Covid19
 

Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii guddiga xallinta Khilaafaadka ee doorashada C/llaahi Abyan Nuur ayaa goordhow ku geeriyooday Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho.

Wararka uu HOL helayo waxay sheegayaan in uu guddoomiyuhu u geeriyooday cudurka Coronavirus oo maalmahaan kusoo labo kacleeyay dalka.

Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay u jiifay cudurka Covid19 sida ay inoo xaqiijiyeen xubno katirsan guddiga doorashada heer federal.

Cudurka Covid19 ayaa sameeyay soo labo kaclayntii saddexaad, waxaana wasaaradda caafimaadku sheegtay in dalku wajihi karo marxalad degdeg ah.

In ka badan 800 oo qof ayaa gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday cudurka Covid19, tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay laga helay Soomaaliya march 2020.

Taariikh nololeedka Marxuum Prof. Cabdulahi Abyan Nuur:-

□ Prof. Cabdulaahi Abyan Nuur wuxuu ku dhashay Degmada Jamaame gobolka Jubbada Hoose 1955.
□ waxbarashadiisa hoose dhexe iyo sare wuxuu kusoo qaatay iskuulka sheekh suufi 1980
□ Jaamacada ummada ayuu ka baxay 1988
□ 1976 ilaa 1988 Wuxuu kasoo shaqeeyay tifaftiraha Joornaalkii Xidigta Oktoobar
□1988 ilaa 1990 macalin luuqada Carabiga dugsi sare ee Qunsuliyada Yemen ee Muqdisho
□ 1988 illaa 1990 tifaftiraha Raadiyaha iyo Tvga qaranka qeybta Carabiga
□ 1991 illaa 1992 shaqo khaas ah
□ 1992 -1994 macalin luuqada Carabiga iyo Xisaabaadka Iskuulka Abuu xaniifa (ex Waaberi Cusub)
□ 1994-2008 maamulaha Iskuulka Wadajir ee magaalada Muqdisho.
□ 2009-2012  xubin baarlamaanka Xukuumadii kumeelgaarka ahayd.
□ 2010-2011 wasiirka cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta
□ 2012-2016 xubin baarlamaanka jamhuuriyada federalka Soomaaliya
□ 2012 wasiirka Cadaalada, arrimaha diinta, Dastuurka, federalka iyo Dib-uheshiisiinta
□ 2014 xubin guddi hoosaadka baarlamaanka ee cadaalada awqaafta iyo arrimaha diinta isagoo ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga.
□ 2020 xubin Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ahaana Guddoomiyihii Guddiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/13/2021 7:58 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa wada qaban qaabada xuska weyn oo loo sameynayo sanad guuradii 10-aad ee kasoo wareegatay markii uu Soomaaliya yimid madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyib Erdogan.

8/13/2021 6:58 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Ururka Ganacsiga Badaha ee waddanka UK ayaa sheegay in burcad badeed Soomaaliya ay weerareen markab ganacsi oo marayay xeebaha Soomaaliya.

8/13/2021 1:33 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa golaha ammanaka u sheegay in horumar laga gaaray heshiiskii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ujeedkiisu ahaa in la qabto doorashooyinka qaran ee dib u dhaca uu ku yimid.

8/13/2021 1:11 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Saraakiil ka tirsan Booliska La-dagaalanka Argagixisadda Kenya ee Mombasa ayaa xiray saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay falal Argagixiso, oo ay ku jiraan 2 nin oo ay baadi-goobayaan Dowladdaha Masar iyo Somalia.

8/13/2021 1:07 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa ka hadlay natiijada doorashada Aqalka Sare ee maalintii shalay ka dhacday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

8/13/2021 12:59 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Waxa magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay buuga Astaan-halgan oo laga qoray noloshii iyo halgankii halgamaa Maxammed Xaashi Diiriye Lixle, oo ahaa udubihii dhaq dhaqaaqii dib u xoraynta Soomaaliyeed ee SNM.