4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 13, 2021
Burcad baddeeda Soomaalida oo markab ganacsi ku weeraray xeebaha Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Ururka Ganacsiga Badaha ee waddanka UK ayaa sheegay in burcad badeed Soomaaliya ay weerareen markab ganacsi oo marayay xeebaha Soomaaliya.

Markabka iyo shaqaalihiisa ayaa la sheegay in ay bad qabaan, waxayna burcad badeedu isku dayeen inay qafaashaan, balse uma suurtoobin.

Ururka Ganacsiga Badaha UK waxay sheegeen weerarkaan inuu ka dhacay meel 100 nautical miles waqooyi bari uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmay iyadoo Labadii toddobaad ee la soo dhaafay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka doodayay amniga baddaha.

Goluhu ammaanka ayaa in muddo ah u ololeynayey sidii wax looga qaban lahaa burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Guinea.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online