4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 13, 2021
Guddoomiye Cirro : Waxaa loo baahan yahay in la tartamo oo tanaasul la'aan doorashooyinku dhacaan
 

Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa ka hadlay natiijada doorashada Aqalka Sare ee maalintii shalay ka dhacday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, iyadoo lagu doortay 6 sanator oo kala ah:- 1. Saciid Siyaad Shirwac 2. Yuusuf Geelle Ugaas 3. Cabdi Axmed Dhuxulow 4. Samsam Daahir Maxamuud 5. Cabdixakiim Macallin Axmed 6. Duniyo Maxamed Cali.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in loo baahnaa in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeyntu u dhacdo, balse wuxuu soo dhoweeyay in qoondada haweenka la ilaaliyay oo labo dumar ah ay soo baxeen doorashadii shalay.

Guddoomiye Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo doorashooyinka labadda Aqal ee Baarlamaam Federaalka Soomaaliya si loo waafaqo heshiisyadii kala duwanaa ee taabanayey doorasho waqtigii loogu talagalay ku dhacda.

Musharraxiinta kusoo baxay doorashooyinka aqalka sare ee ka dhacday dowlad goboleedyada waxay dhammaantood marka laga reebo tiro aad u yar, ku yimaadeen tanaasul.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online