4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 12, 2021
Senataradii ugu horeeyay Galmudug oo Dhuusomareeb lagu doortay


Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Barlamaanka Galmudug ayaa soo gabagabeeyay qeybtii koowaad ee doorashada Senotarada Galmudug u matalaya barlamaanka aqalka sare, waxaana la doortay illaa 6 mudane oo labo kamid ah ay dumar yihiin.

Senatorada maanta lagu doortay magaalada Dhuusomareeb ma jirin cid la tartantay, waxaana dhammaantood tanaasulay musharraxiintii doorashada kula tartami lahaa.

Shalay ayay ahayd markii doorashadii aqalka sare ee Puntland ay tanaasuleen 9 musharrax. Sidoo kale Jubbaland  ayay ka dhacday isu tanaasulid.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa ku tilmaamay tanaasulka badan ee hareeyay doorashada aqalka sare, in ay salka ku hayso loolanka doorashada iyo in madaxwyenayaasha dowlad goboleedyadu soo saaraan shakhsiyaadka ay doonayaan.

Sannadkii  2016, doorashadii aqalka sare waxay ahay mid musharraxiinta tartan adag ku galeen, waxaana la xasuustaa in looga guulaystay siyaasiyiin ka ag dhawaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Senatorada maanta la doortay waxay kala yihiin:-

Duniyo Maxamed Cali, ayaa ku guuleysatay 88cod. Cidna lama tartamin

Cabdixakiin Macalin Axmed, ayaa ku guuleystay 86cod. Cidna lama tartamin.

Samsam Dahir Maxamud , ayaa ku guuleysatay 89cod. Cidna lama tartamin.

Cabdi Axmed Dhuxulow, ayaa ku guuleystay 86cod, cidna lama tartamin.

Yuusuf Geelle Ugaas, ayaa ku guuleystay 87cod. Cidna lama tartamin.

Saciid Siyaad Shirwac, ayaa ku guuleystay, 87 cod, Cidna lama tartamin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online