4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 12, 2021
Doorashada Aqalka sare oo Maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyay
 

Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Galmudug.

Lix ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee  doorashadooda tahay Galmudug ayaa si rasmi ah waxaa maanta ugu wada tartami doono 12 Musharax oo u taagan ka mid noqoshada Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee la xiriirta doorashada Aqalka sare ayaa si weyn looga dareemaya magaalada Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay amaankeeda guud.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ku sugan xubno kala duwan oo ka kala socda guddiyada doorashada heer Fedaraal, heer dowlad goboleed, guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo goob joogayaal ka noqonaya hanaanka ay u dhaceyso doorashada maanta ka bilaabaneysa magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii afaraad ee qabta doorashada Aqalka sare waxaana haray maamulka Hirshabeelle oo noqonaya maamulka ugu dambeeya inkatsoo wali maamulka uusan soo gudbin liiska Musharaxiinta kuraasta Aqalka sare ku matalaya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]