3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo beeniyay in kulankii raysal wasaaraha iyo madaxweynaha Kenya lagusoo hadal qaaday arrimaha badda
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo shir jara’id ku qabtay Nayroobi ayaa beeniyay in habo yaraatee kulankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu la yeeshay madaxweynaha Kenya looga hadlay arrimaha badda.

Warbaahinta madaxtooyada Kenya ayaa shalay qortay in kulankii Uhuru Kenyatta iyo raysal wasaare Rooble looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin muranka xagga badda, inkastoo markii dambe laga saaray qoraalka arrinta badda.

Wasiirka arrimaha dibedda wuxuu sheegay kulanka inuu ahaa mid looga wada hadlayay sidii Soomaaliya iyo Kenya usoo wada ceshan lahaayeen xiriirkoodii ganacsi, amni iyo isku socodka.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in aan kulankaas looga hadlin ama lagusoo hadal qaadinba arrimaha aad welwelka ka muujinaysaan ee badda,” ayuu yiri wasiirka arrimahada dibadda Soomaaliya.

Wasiirka oo la weydiiyay in laga wada hadlay arrimaha Qaadka, ayaa sheegay in si guud looga wada hadlay soo celinta xiriirka ganacsi ee labada dal islamarkaana uu jiro guddi farsamo oo loo xil saarayo in ay ka shaqeeyaan soo celinta wada shaqaynta labada dal.

Wuxuu wasiirku sheegay in ay kulamadu weli socdaan islamarkaana ay dowladda Soomaaliya doonayso in kulamada dambe ee looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal ka dhacaan gudaha Soomaaliya.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/11/2021 1:50 PM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Gabadh lagu sheegay in ay 12 jir tahay ayaa ku dhimatay rabshad dhexmartay ciidanka Booliska iyo arday dhigata Dugsiga Sare ee Hoyga Laascaanood oo ay wax ku bartaan ardayda badanaa tuulooyinka aan lahayn dugsiyada Sare ka yimaada.

8/11/2021 11:02 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha bulshada ee xisbiga Waddani Maxammed Saddiiq Dhame, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay hab sharciga baal marsan u maamulayso deeqaha waxbarasho ee waddamada dibadu siiyaan ardayda Somaliland.

8/11/2021 8:57 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Kenya, ayaa maamulka Puntland ugu hambalyeeyay bilaabista doorashada kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya.

8/11/2021 7:32 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Barlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta oo arbaco ah doortay 11 xildhibaan oo Puntland u matali doona barlamaanka labaad ee aqalka sare.

8/11/2021 7:18 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxabannaan ee Somaliland, ayaa canbaaraysay xadhiga Ismaaciil Cabdillaahi Xuseen iyo Cabdiqani Sh. Maxamed Sh. Cumar oo 3, July, Boorama lagu xidhay kadib markay ay ka hadleen garaacis loo gaystay Cabdirsaaq Axmed Gorayo oo wasaarada beeraha dhaliiyay.

8/11/2021 7:16 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

8/11/2021 6:43 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Ciidamada booliiska Somaliland ee gobolka Todheer, ayaa gacanta ku dhigay 587 dhalo oo khamri ah, midiyo iyo tooriyo tiro badan oo ciidamadu kusoo qabteen howlgalo ay sameeyeen.

8/11/2021 2:59 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkii, iskana kaashadaan dhinacyo ay ka mid yihiin amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.

8/11/2021 2:54 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa guda galay doorashada xildhibaanada aqalka sare kadib markii shalay uu madaxweynaha Puntland, uu soo saaray liiska musharraxiinta 11 ka kursi ee aqalka sare.

8/11/2021 1:13 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay liiska qaar ka mid ah Musharaxiinta kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

8/11/2021 1:06 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Meydadka dad shacab ah oo gaaraya ilaa 7 ruux oo la sheegay iney dileen ciidamada AMISOM ayaa yaala Isbitaalka Madiina ee magalaada Muqdisho.