4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Raysal wasaare Rooble oo Puntland iyo Galmuudg ugu hambalyeeyay bilaabista doorashada aqalka sare
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Kenya,  ayaa maamulka Puntland ugu hambalyeeyay bilaabista doorashada kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale u hambalyeeyay xildhibaanada cusub ee Puntland u matalaya barlamaanka aqalka sare. Sidoo kale wuxuu bogaadiyay madaxweynaha Galmudug oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta golaha aqalka Sare ee BFS.

Raysal wasaaraha ayaa dhammaan Dowlad-goboleedyada kula dardaarmay in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay.

Puntland ayaa noqotay maamulkii koowaad ee sida buuxda u dhameystiray xubnaha u matalaya aqalka sare. Waxaase la sugayaa maamulada Jubbaland, Konfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshaballe in ay soo gudbiyaan.

Maamulada qeybtooda waxaa laga welwelsan yahay inuu khilaaf siyaasadeed ka dhasho qaar kamid ah kuraasta aqalka sare. Iyadoo loo sababaynayo siyaasiyiin mucaarad ah iyo kuwo muxaafid ah oo mid kastaa uu doonayo inuu kasoo muuqdo aqalka sare.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online