4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Xarunta xuquuqal insaanka madaxabannaan ee Somaliland oo warbixin kasoo saartay dad Boorama lagu xidhay
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxabannaan ee Somaliland, ayaa canbaaraysay xadhiga Ismaaciil Cabdillaahi Xuseen iyo Cabdiqani Sh. Maxamed Sh. Cumar oo 3, July, Boorama lagu xidhay kadib markay ay ka hadleen garaacis loo gaystay Cabdirsaaq Axmed Gorayo oo wasaarada beeraha dhaliiyay.

"Xaruntu waxay cambaaraynaysa xadhiga Ismaaciil Cabdilaahi Xuseen oo ah nin ganacsade ah iyo Cabdiqani Sh. Maxamed Sh. Cumar oo isna ah macalin oo la xidhay kadib markii ay ka hadleen garaacid iyo dhaawac loogeystay Cabdirisaaq Axmed Gorayo, oo bartiisa Facebook ku qoray qoraal uu ku dhaliilayo Wasiirka Beeraha Somaliland" ayaa lagu yidhi warbixinta.

"Ismaaciil iyo Cabdiqani waxay muddo 38 cisho ah ku xidhan yihiin sifo sharci daro ah, waaran sharci laguma sooqaban, maxkamed lama horgeyn, danbina laguma soogin, waxa kale oo tahdiid iyo hanjabaad xadhig ku socota Mahdi Cabdilahi Xuseen oo ay walaalo yihiin mid kamida labada nin ee xidhan" ayay warbixintu ku dartay.

Xarunta ayaa sheegtay in xadhiga muwadiniintani uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal iinsaanka waxayna cuskatay qodobka  32 (1)  ee dastuurka Somaliland oo sheegaya in muwaadin kastaa uu xor u yahay inuu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale.

Xukuumada Somaliland iyo wasaarada beeraha ee lagu eedaynayo in ay ka danbayso xadhiga muwaadiniintan ayaan ilaa hada kahadal sababta keentay in xabsiga lagu hayo mudo bil iyo dheeraad ah maxkamad la'aan.

Abdi Rahman, Hiiraan Online