4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xilka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Banaadir
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa wareegto uga qaaday xilalkii ay hayeen afar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo kala ah Xamarweyne, Kaaraan, Waaberi iyo Heliwaa.

Guddoomiyahii degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa xilka laga qaaday waxaana kusimaha xilkaasi loo magacaabay Maxamed Axmed Iidow oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii dhanka amniga degmada Xamarweyne.

Guddoomiyahii degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo asna xilka laga qaaday ayaa waxaa sii hayaha xilka guddoomiye loo magacaabay Deeq Xasan Sheekhoow oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii amniga degmada Kaaraan.

Guddoomiyeyaasha xilalka laga qaaday waxaa sidoo kale ka mid  ah guddoomiyahii degmada Waaberi Cabdicasiis Cismaan Jaamac iyo guddoomiyahii degmada Heliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle, waxaana gudoomiyaha degmada Heliwaa loo magacaabay Mire Salaad Dhuxuloow, iyadoo kusimaha guddoomiyaha degmada Waaberi loo magacaabay Jamaal Cali Maxamed.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]