4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Somaliland: Magaalada Burco oo lagu qabtay khamri iyo hub tiro badan
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Ciidamada booliiska Somaliland ee gobolka Todheer, ayaa gacanta ku dhigay 587 dhalo oo khamri ah, midiyo iyo tooriyo tiro badan oo ciidamadu kusoo qabteen howlgalo ay sameeyeen.

"Waxan halkan kusoo bandhigayna mukhaqaraadka ay qabteen saldhigyada Faarax Omaar iyo Saldhiga Dhexe, khamrigaas oo ah marka laysku geeyo 587 dhalo, khamriga waxaanu ku qabanay laba land cruiser oo hada halka yaala iyo khamru meel lagu aasay" sida waxa yidhi taliyaha booliiska gobolka Togdheer Maxammed Faarax Nuur.

Taliyaha ayaa sheegay in Khamriga ciidanku soo qabteen uu yahay khamri muddo dhaafay oo gabi ahaantiiba dhacay sanadkii 2015 isla markaana uu sababi karo xataa xanuuno marka laga yimaado in uu yahay mukhaadaraad sharci daro ah.

"Dhalooyinkaa markaanu eegnay khamrigu wuxuu dhacay 2015, isagoo khamrigii ugu liitay Itoobiya uu yahay ayuu hadana dhacay 2015, xarfaanteenan khamriga keenta waxaa dhacay ayay dadka ka iibinayaan" ayuu yidhi tiliye Maxammed Faarax Nuur.

Dhinacakale ciidanka ayaa howlaglo uu ka sameeyay magaalada Burco kusoo qabtay hub tiro badan oo ka kooban midiyo iyo tooriyo.

"Ciidanka booliisku ollolihii ay qaadeen waxay kusoo qab qabteen khamiriga iyo hubkaa kala duwan oo ah budhadh, baangado iyo tooriyo" sida waxa yidhi badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer Maxammed Cabdillaahi Nafaqo.

Ciidamada booliiska Somaliland ayaa guud ahaan dagaal xoogan kula jira maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo si sharci daro ah dhinaca Itoobiya iyo meelo kale looga soo galiyo gudaha Somaland.

Abdi Rahman, Hiiraan Online