3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Meydadka 7 ruux oo la sheegay iney dileen Ciidamada AMISOM oo yaala Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Meydadka dad shacab ah oo gaaraya ilaa 7 ruux oo la sheegay iney dileen ciidamada AMISOM ayaa yaala Isbitaalka Madiina ee magalaada Muqdisho.

Meydadka dadkan rayidka ah ayaa laga keenay deegaanka lagu magacaabo Golweyn oo kuyaala duleedka degmada Marka ee gobolka Sh/hoose, waxaana la sheegay in dadkan la dilay isugu jiraan Beeraleey iyo Baabuureey iyo waliba dad guryahooda lagala soo baxay.

Mid ka mid ah ehelada meydadka yaala Isbitaal Madiina ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada AMISOM ay si bareer ah u dileen dadkan shacabka ahaa.

"Dadka qaar waxay kasoo dhex qabteen beerahoda qaarna waxay kaso baxsaden guryahooda qarna waxay ahayeen baabuurey, dhamantood xabado ayay madaxa kaga dhufteen kadib ayay meel intey isugu geeyeen miino ku qarxiyeen si loo dhaho dadkan miino ayaa la qaraxday" ayuu yiri mid ka mid ah ehelada dadka la dilay.

Meydadka 7 qof ee yaala Isbitaalka Madiina hilbahooda ayaa waxa ay ku jiraan Jawaano oo miinada ayaa kala jarjartay dadka waxaana ehelada ay sheegeen ineysan aasi doonin dadkan ilaa dowladda Soomaaliya wax ka qabato dhacdadaan.

"Walaalkey hilbahiisa waxaan kasoo helnay laba lugood kaliya waxuuna ahaa baabuureey rasaas ayay la dhaceen kadibna intey dadkii kale isku wada xireen ayay miino ku qarxiyeen, mana aaseyno ilaa dowladda dhibaatadeena ka hadasho" ayuu yiri mid ka mid ah ehelada dadka dhintay.

Dadkan la sheegay iney dileen ciidamada AMISOM waxaa ku jiray Aabe Soomaaliyeed oo 65 sano jir ahaa oo la sheegay iney kaso dhex qabteen Beertiisa isaga iyo qaar ka mid ah shaqaalahiisa kadibna rasaas madaxa kala dhaceen.

Sh/hoose inta badan waxaa ka dhaca dagaalo culus iyo duqeymo xoogan oo saameyn adag ku yeesha noloasha dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolkaasi.

 

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/11/2021 1:50 PM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Gabadh lagu sheegay in ay 12 jir tahay ayaa ku dhimatay rabshad dhexmartay ciidanka Booliska iyo arday dhigata Dugsiga Sare ee Hoyga Laascaanood oo ay wax ku bartaan ardayda badanaa tuulooyinka aan lahayn dugsiyada Sare ka yimaada.

8/11/2021 11:13 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo shir jara’id ku qabtay Nayroobi ayaa beeniyay in habo yaraatee kulankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu la yeeshay madaxweynaha Kenya looga hadlay arrimaha badda.

8/11/2021 11:02 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha bulshada ee xisbiga Waddani Maxammed Saddiiq Dhame, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay hab sharciga baal marsan u maamulayso deeqaha waxbarasho ee waddamada dibadu siiyaan ardayda Somaliland.

8/11/2021 8:57 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Kenya, ayaa maamulka Puntland ugu hambalyeeyay bilaabista doorashada kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya.

8/11/2021 7:32 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Barlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta oo arbaco ah doortay 11 xildhibaan oo Puntland u matali doona barlamaanka labaad ee aqalka sare.

8/11/2021 7:18 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxabannaan ee Somaliland, ayaa canbaaraysay xadhiga Ismaaciil Cabdillaahi Xuseen iyo Cabdiqani Sh. Maxamed Sh. Cumar oo 3, July, Boorama lagu xidhay kadib markay ay ka hadleen garaacis loo gaystay Cabdirsaaq Axmed Gorayo oo wasaarada beeraha dhaliiyay.

8/11/2021 7:16 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

8/11/2021 6:43 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Ciidamada booliiska Somaliland ee gobolka Todheer, ayaa gacanta ku dhigay 587 dhalo oo khamri ah, midiyo iyo tooriyo tiro badan oo ciidamadu kusoo qabteen howlgalo ay sameeyeen.

8/11/2021 2:59 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkii, iskana kaashadaan dhinacyo ay ka mid yihiin amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.

8/11/2021 2:54 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa guda galay doorashada xildhibaanada aqalka sare kadib markii shalay uu madaxweynaha Puntland, uu soo saaray liiska musharraxiinta 11 ka kursi ee aqalka sare.

8/11/2021 1:13 AM EST
Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay liiska qaar ka mid ah Musharaxiinta kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.