4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 10, 2021
Siddeed qof oo ay ku jireen carruur oo ku geeriyooday qarax ka dhacay degmada Bacaadweyne
 

Talaado, Agoosto, 10, 2021 (HOL) - Ugu yaraan siddeed qof oo shacab ah ayaa maanta ku geeriyooday qaraxyo ka dhacay meel u dhow degmada Bacaad weyne ee gobolka Mudug.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdiraxmaan Is-xal, dadka dhintay oo ay carruur ku jireen waxay la socdeen gaari bajaaj ah oo marayay meel duur ah oo ah duleedka Bacaadweyn.

Guddoomiye Is-xal wuxuu sheegay qaraxa labaad inuu haleelay gaari kale oo ay shacab la socdeen, waxaana ku dhaawacmay saddex qof.

“Meel duur ah oo ay waddadu marto dhinaceeda ayuu qaraxa ka dhacay. Dadkaan waddadii ayay ka leexdeen sidaas ayuu dhibku ugu dhacay. Waddooyinka la maro kulli waa nadiif. Waxaa lagu sameeyay miino baaris,” ayuu yiri guddoomiyaha Mudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay kooxda Alshabaab in ay qaraxyadan ku aaseen wadada dhinaceeda, uguna talo galeen in ay ku dhibaateeyaan ciiddamada ku sugan Bacaadweyn iyo dadka shacabka ah.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Tuulada Shabeellow oo ku dhow Wisil qarax lala eegtay ciiddamada xoogga ay ku geeriyoodaeen askar iyo saraakiil ciiddan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online