4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 10, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay laamaha amaanka dalka kadibna u duulay dalka Kenya
 

Talaado, Agoosto, 10, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laamaha amniga islamarkaana faray xoojinta iyo xaqiijibta amniga guud ee dalka gaar ahaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar, ku xigeenkiisa Cismaan Cabdullahi Maxamed, Taliyaha qeybta gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, iyo Taliyaha qeybta Booliiska garoonka Aadan Cadde.

Raysal wasaaraha Rooble ayaa kula dardaarmay laamaha amaanka dalka inay xil gaar ah iska saaraan xoojinta sugidda amnaaka doorashooyinka dalka ka bilowday.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mohamed Hussein Roble ayaa kulan la qaatay laamaha amniga isaga oo faray xoojinta amniga guud ee waddanka gaar ahaan caasimadda Muqdisho . Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar dardaarmay saraakiisha in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka dalka ka bilowday" ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Kulanka Raysal wasaaraha Rooble uu la qaatay laamaha amniga kadib waxa uu u duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoo halkaasi kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyata.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]