4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 10, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya
 

Talaado, Agoosto, 10, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya inuu safraan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wafdiga Raysal wasaare Rooble ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, waxaana safarka Raysal wasaaraha uu imaanaya xili maalin ka hor magaalada Muqdisho ay soo gaartay wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya.

Ujeedka safarka Rooble ayaa la sheegay inuu la xiriiro arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, socdaalka dhulka iyo cirka, amniga, ganacsiga, fiisaha iyo arrimo kale oo quseeya labada wadan oo dhowr jeer oo hore xiriirkooda xumaaday.

Safarka Raysal wasaaraha uu maanta ku tagaayo dalka Kenya ayaa imaanaya xili khilaaf soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble, kaasoo ka dhashay safar magaalada Muqdisho ay maalin ka hor  ku timid wasiirka arrimaha Dibadda dalka Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]