4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
Puntland iyo Jubbaland oo beeniyay inuu fashilmay shirkii arrimaha doorashada
 

Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aysan ka warqabin meel uu ku fashilmay shirkii dowladda federalka iyo dowladda goboleedyada.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo ay garab taagnaayeen masuuliyiin katirsan Jubbaland iyo Puntland ayaa sheegay maanta in ay ahayd maalintii ugu rajada wanaagsanayd shirka inta uu socday.

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in lagu balamay in shir kale la isugu yimaado oo dhinacyadu aadaan wadatashi dhexdooda ah inta la kala maqan yahay.

"Waxay nala noqotay wax la yaableh markii wasiirka warfaafinta dowladda muddo xilleedkeedu dhamaaday uu sheegay in shirku fashilmay, balse waxaan doonaynaa inaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u sheegno in uusan shirku fashilmin," ayuu yiri wasiiir Timacadde.

Puntland iyo Jubbaland waxay sheegeen in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn in la heshiiyo oo dalka uu doorasho u dhaqaaqo, iyagoo tilmaamay mar kaste oo la iskusoo dhawaado inuu fashiliyo shirka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online