4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
Xisbiga Waddani oo xil u magacabay guddoomiyihii hore ee ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA
 

Arbaco, April, 7, 2021 (HOL) - Xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaa xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga Waddani u magacabay guddomiyihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto).

Xuuto oo markii hore u taagnaa musharax golaha wakiilada ah, ayaa HOL u sheegay in ay ku cuslaatay in uu hankiisa musharaxnimo sii wato madama oo muharixii ay isku sidkanaayeen uu ka tanaasulay musharaxnimadiisi.

“Madama oo reer walba laga rabay in ay keenaan laba musharax oo isku sidkan oo u kala sharaxan golaha deegaanka iyo wakiilada, musharixii aanu wada soconayna ka tanasulay musharax nimadisi waxa igu adkatay in aan sii wado” ayuu yidhi Xuuto.

“Kadibna waxanu xisbiga isku afgaranay in aan noqdo xogeeyaha warfaafinta, halkaasi oo aan kasii wadi karo hankayga siyaasadeed” ayuu Xuuto hadalkiisa sii raaciyay.

Jagada xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga Waddani, waxa hore usoo qabtay qoraa Boobe Yusuf Ducaale iyo Pro: Ismaaciil Hurre Buubaa.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]