4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
Shirkii madaxda Soomaalida oo goordhaw dib uga furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho
 

Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw dib uga bilaawday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho shirka u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka ayaa hordhac u ah shirka guud ee wadatshiga Qaran ee doorashada Soomaaliya oo maalmaha soo socda lagu wado inuu furmo, waxaana shirka haatan Afisyooni ka socda looga hadlayaa ajandeyaasha shirka guud ee wadatashiga Qaran.

Shirka maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo dhamaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan maanta ayaa la filayaa in la isku afgarto qodobadii adkaa ee horay isugu mari weysanayeen maalmahii lasoo dhaafay, waxaana shacabka Soomaaliyeed aay rajo weyn ka qabaan in shirka maanta kasoo bixi doonaan natiijooyin wanaagsan.

Dhawaan ayay aheyd markii Beesha Caalamka aay ugu baaqeen dhinacyada isku mari la' khilaafka doorashada dalka iney xal rasmi ah ka gaaran khilaafkooda ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]