4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
Shirka Madaxda Dowlad Gobolleedyada oo maanta dib uga furmaya teendhada Afisiyooni

 

Arbaco, April,, 07, 2021 (HOL) - Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho gaar ahaan teendhada Afisiyooni uu dib uga furmo shirka madaxda DF, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa maalintii shalay dib u dhacay iyadoo uu ka maqnaa madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo shalay galinkii danbe dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayeey madaxda uga wada hadli doonaan ka hadalka qoddob la xiriira ajadaha shirweynaha lagu waddo in uu looga wadahadlo arrimaha doorashada,

Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaan wali isku aragti ka noqon ajadaha shirweynaha Qaran ee doorashooyinka oo qolo walba ay si u dooneyso.

Qoraal maalintii shalay ka soo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay deg deg u dhameeyaan khilaafaadka dhaxdooda ah bisha Barakakeysan ee Ramadaan awgeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]