4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 6 , 2021
Beesha caalamka oo war ka soo saartay shirka Afisiyooni ee madaxda Soomaalida

 

Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka oo garwadeen ka ah kulamada xiriirka ah ee toddobadyadii ugu danbeeyayba u socday hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay u rajeeyeen shirarkooda isfaham iyo Guul.

Qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri '' Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Saaxiibada Caalamku waxay ku boorrinayaan in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku boorineynaa madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada in ay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta  iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto.

Qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ayaa imaanaya xili uu maanta dib u dhacay kulan lagu wadday in uu dhaxmaro madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada, madaama uu ka maqan yahay madasha kulanka madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo shalay dib ugu laabtay Dhuusa-Mareeb.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]