4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in ay la wareegayso libaaxyada Cali Waran Cadde
 

Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka deegaanka ee Somaliland Shukri X. Ismaaciil Boondare, ayaa sheegtay in ay la wareegayaan libaaxyada Cali Waran Cadde, isla markaana gaynayaan beerta xayawaanka lagu xanaaneeyo.

Wasiirka oo waraysi siisay muuqbaahiyaha Sahan TV, ayaa sheegtay in sida xeerka duur joogtu sheegayo aan qofna loo ogolayn in uu xayawaan duur joog ah guriga ku haysto.

“Waxan idiin sheegayaa in la qaadi doono libaaxyadii sida xeerku nafarayo, in aanu meel dajino oo aanu ku xanaanayno” ayay tidhi wasiiradu.

“Waanu la wareegayna, waanu qaadaynaa waana nu ilaalinaynaa”.

“Dad ku waxay leeyihiin  xeerku miyaanu dadka qaar qaban, waxanu leenahay cidina xeerka kama sarayso. Bulshada inbadan baanu u sheegnay lama ogola in xayawaan duur joog ah guriga lagu haysto” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Siyaasi Cali Waran Cadde ayaa isna dhankiisa sheegay in uu ogolyahay in libaaxyada ay dowladu la wareegto oo la geeyo meel lagu xanaaneeyo.

Go’aanka dowlada ayaa yimid kadib markii habeenkii khamiista uu libaax ka baxsaday beerta libaaxyada ee Hargaysa uu dhawac u gaystay haweenay Itoobiyaan ah.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]