4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Odayaasha Dhaqanka Beesha Xawaadle '' Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayuu u xirran yahay ganacsade Maxamed Xaanshi

 

Jimco, April. 30, 2021 (HOL)  - Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda beesha Xawaadle oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare iyo Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire in sifo aan sharci aheyn ay ku xirteen Maxamed Xaanshi Muumin oo ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug.

Odayaasha ayaa sheegay in xariga Maxamed Xaanshi loo cuskaday arrimo xaqiiqda ka fog oo la doonayo sida ay hadalka u dhigeen in lagu baneysto dhiggisa iyo hantidiisa, iyadoo lagu eedeynayo in uu ka tirsan yahay Al-shabaab.

''Arrintaasi waan ka digeynaa, waxaan ognahay in saacad walba lagu jirdilo  halka uu ku xirran yahay iyadoo  jir dilkaasi ka danbeeyaan Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo taliyaha qeybta, waxey banneysteen hantiidiisa iyo gaadiidkiisa oo hadda khamiri looga soo daldalo dalka Itoobiya laguna keeno gudaha magaalada Gaalkacyo, '' ayuu yiri Nabadoon Cilmi Saney oo dhinaca kale sheegay in arintaasi keeni karto cawaaqib xumo.

Nabaddoon Cilmi Takar oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muddo shan bilood ah Maxamed Xaanshi guri ugu xirran yahay shaqsiyaad gaar ah, iyadoo saldhig iyo maxkamad toona la geyn, waxaana uu intaa ku darray in ay qaateenn dhamaanba hanti wixii uu lahaa.

Dowlad Gobolleedka Puntland ayeey ugu baaqeen in ay arrintan soo fara-galiso waxaana ay meesha ka saareen eedda ah in Maxamed Xaanshi ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab, balse taan badalkeeda la doonayo oo kaliya in lagu xalaashado hantiidiisa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]