4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Taliska Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho
 

Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saaray khasaraaha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Caawa ka dhacay maqaayad ku taala degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa laga maqlay jugtiisa inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in qaraxa dhacay uu fuliyay ruux isku soo xiray Jaakada waxyaabaha qarxa ah, kaasoo isku qarxiyay goob maqaayad ah oo lagu  Shaah cabo oo ku taala xaafada seddaxda geed gaar ahaan agagaarka Saldhiga degmada Shangaani ee magalada Muqdisho.

Taliska Booliiska ayaa xaqiijiyay in qaraxa Caawa aay ku dhinteen dad gaaraya 6 ruux oo afar ka mid ah dhalinyaro ahayeen iyo wiil Saqiir ah iyo waliba ruuxii is qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo la geeyay goobaha Caafimaadka.

"Caawa abaare 19:00 fiidnimo ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaaha laga cabo oo dhaliyarada isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho, 4 dhalinyaro ah hal wiil oo saqiir ah iyo naftii haligihii, iyo dhaawaca 4 kale oo shacab ahaa, oo aan waxba galabsan ayay argagixisadu weerartay" ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska Soomaaliya kasoo baxay.

Goobta qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo xiray aaga uu ka dhacay qaraxii Caawa gilgilay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho .

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]