4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2021
Hargaysa: Libaax baxsad ah oo haweenay dhaawac halisa gaadhsiiyay
 

Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Mid kamida libaaxyadii uu Hargaysa ku haystay siyaasi Cali Waran Cadde, oo ka baxsaday xeradisii ayaa dhaawac daran gaadhsiiyay haweenay Oromo ah.

Libaaxa oo caawa fiid kii ka baxsaday xerdiisa ayaa xaafada New Hargaysa ee magaalada Hargaysa dhaawac daran ugu gaystay hawayney Oromo ah.

Haweenayda ayaa loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Hargaysa, halkaasi oo lagula tacaalayo dhaawac uu libaaxu kasoo gaadhsiiyay madaxa iyo qoorta.

“Wiil keedi yara ayaa ii yimid oo ugu yidhi hooyaday libaax baa qabsaday, iyadoo albaabka dusheeda tagan ayuu xaga danbe kaga booday, kadibna wuu jiitay” Iftin Bashiir oo ay haweenayda qaraabo yihiin ayaa sida HCTV u sheegtay.

“kadibna aniga iyo odaygaygii ayaa yaacnay, kadibna  iyadoo Garanwaa (Cali garoob) dhexdiisa jiifta ayaanu u tagnay, waanu soo qaadnay”.

“Qoorta iyo madaxa ayuu ka cunay, garbaha iyo inta danbe oo dhan” ayay Iftin hadalkeeda sii raacisay.

Libaaxa ayaa ilaa hada baxsad ah iyadoo lagu arkay qaybo kamida xaafadaha Hargaysa waxana kubada jira ciidamada booliska oo ku hawlan soo qabashadiisa.

Muddo laga joogo dhawr iyo toban sano ayay ahayd markii libaax kamida libaaxyada siyaasi Cali Waran Cadde, oo kasoo baxsaday xerada lagu xanaaneeyo uu Hargaysa ku cunay gabadh dhalinyaro ah.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]