4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2021
Kenya oo dib u dhigtay go'aankii ay sheegtay in ay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kaakuma

 

Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) -  Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dib uga dhigtay go'aan ay horay u soo saartay oo ay ku sheegtay in ay ku xireyso xeryaha Qaxootiga Dadaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed.

Kenya ayaa go'aankan qaadatay kaddib kulan dhaxmaray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Dunida UNHCR Filippo Grandi.

War ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in ay xeryahan xiri doonto marka la gaaro bisha 30-ka Juun ee sannadka 2022-ka. 

Waxaa la sheegay in guddiyo ka kala socda Kenya iyo Qaramada Midoobay ay ka shaqeyn doonaan qorshaha lagu dedejinayo xiritaanka xeryaha laga billaabo 5-ta bisha May 2022-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dawladda Kenya.

Dadka Qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan. Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda Bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya.

Xeryahan ayaa sheegtay in ay ku jiraan qaxooyi dhan 433,765. Bishii hore ayey dawladda Kenya soo cusboonaysiisay go’aanka ay doonayso inay ku xirto xeryaha qaxootiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga hortimid go'aanka oo ay ku sheegtay in mid Kenya ay siyaasadeyneyso, waxaana ay ka digtay in tallaabadaa lagu dhaqaaqo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]