4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2021
Weriye Maxamed Cumar Yuusuf (Bolton) oo muddo ka badan toban cishe u xiran ciidanka Danab ee Galmudug
 

Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Weriye Maxamed Cumar Yuusuf (Bolton) oo agaasime ku xigeen ka ah Radio Deegaan oo ku yaalla koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ayaa muddo ka badan toban cishe u xiran ciidanka Danab.

Weriyahan ayaa ilo xog ogaal waxay HOL, u sheegeen in xilli saq dhexe  ay gurigiisa kala baxeen ciidamo katirsan kuwa Danab. Lamana garanayo illaa iyo hadda sababta loo xiray weriyaha.

Xog aan helayno waxay sheegaysaa in weriyaha iyo dad kaloo badan  lagu xiray howlgal ciidan oo ka dhacay xaafado katirsan koonfurta magaalada Gaalkacyo, iyadoo howlgalkaas lagu baadi goobayay dad la xiriirinayo in Alshabaab xiriir la leeyihiin.

Maalmo kadib, laamaha amnigu waxay sii daayeen qaar kamid ah dadkii howlgalka lagu xiray oo dad shacab ah u badnaa, balse weriyaha kuma jirin dadka xoriyadooda loosoo celiyay.

Saxafiyiinta ka howlgala magaalada Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ayaa laamaha amniga ugu baaqay in weriyahan lasii daayo ama maxkamad la horkeeno haddii dambi lagu haysto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online