4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Ciidamadii Haramcad ee ku sugnaa magaalada Baledweyne oo maanta Muqdisho loo qaaday
 

Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta laga qaaday magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ciidamo ka tirsanaa Haramcad oo ku sugnaa Baledweyne shantii bilood ee lasoo dhaafay kuwaas oo diyaarad ka qaaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Ciidamada maanta laga qaaday Baledweyne ayaa tiro ahan gaarayay ilaa 100 askari kuwaas oo aay dowladda Soomaaliya bilawgii sanadkan aay u keentay magaalada Baledweyne iney ka qeyb qaataan sugida amaanka goobaha lagu waday iney ka qabsoomaan doorashooyinka dalka.

Ciidamdan ayaa diyaarad gaar ah ka qaaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Baledweyne kuwaas oo dib loogu celiyay magaalada Muqdisho shan bilood kadib, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadan laga qaado magaalada Baledweyne, balse waxay qeyb ka noqonayaan ciidamo labadii maalin ee u dambeysay dowlada kaso qaadeysay gobolada Galgaduud, Gedo iyo Hiiraan.

Qaaditaanka ciidamadan ayaa kusoo beegmeysa xili xaalada siyaasadeed ee dalka noqotay mid aad u cakiran, dagaalo culusna aay magaalada Muqdisho ku dhexmareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo kale oo kasoo horjeeday muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]