4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Farmaajo oo aqbalay in dib loogu laabtay heshiiskii doorasho ee 17kii September

 

Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad toos ah u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay go'aankii ay qaateen dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ee ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17kii September, 

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay sida uu hadalka u dhigay dadaallada nabadeed ee xukuumadda uu horkacayo Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

“Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey dadaallada nabadeed ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isaga oo soo dhaweeyey baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabk birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]