4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 2 , 2021
Dowladda federalka Soomaaliya oo ka hadashay diyaarad laga celiyay magaalada Garacad
 

Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa markii ugu horraysay ka hadlay wararka ku saabsan in dowladda federalka ay xanibtay diyaarad ka degi lahayd deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in sababo amni awgeed ay diyaaradaasi uga dagi weyday Garacad ayna dowladdu ku qasbanayd in qaadato tallaabooyin lagu ilaalinayo bedqabka duulimaadka.

Wasiirku wuxuu sheegay in aysan waxba kala socon wafdi la socday diyaarada, balse ay tixgaliyeen markii ay heleen macluumaad ku saabsan in aan la isku halayn karin ammaanka garoonka Garacad.

"Waxaa marqaati ka ah shirkadda iyo rakaabka la socday in ay dareemeen amni ahaan in aysan diyaaradu ka degi karin garoonka Garacad, waana idin la wadaagi karnaa sawirro garoonka lagasoo qaaday," ayuu yiri wasiir Oomaar.

Maamulka Puntland ayaa maalmo ka hor ku eedeeyay dowladda federalka in ay dano siyaasadeed uga faaidaysteen la wareegida maamulka hawada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online