4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 2 , 2021
Shil Tareen oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Taiwan
 

Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijiyay ilaa 36 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana waay ku dhaawacmeen shilkan Tareen ee ka dhacay Taiwan sida aay ku waramayaan Warbaahinta dalkaasi.

Shilka Tareen ayaa yimid kadib markii la sheegay in tareen uu ka leexday qadkii loogu talo galay taasoo keentay dhimashada iyo dhaawaca faraha badan.

Shilkan khasaaraha badan ka dhashay ayaa ka dhacay bariga Taiwan, waxaana waaxda dab damiska dalkaasi aay sheegtay in ku dhawaad 100 qof aay ku dhaawacmeen shilka Tareen.

Maamulka Tareenada Taiwan waxay sheegen in Tariinka qalibmay aay saarnayeen dad gaaraya 350 ruux, kuwaasi oo ku sii jeeday magaalada Taitung si aay uga qeyb galaan dabaal dega maanta ka bilaabanayay Jasiirada magalaadaasi oo socon doona mudo hal isbuuc ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]