4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka warbixiyay kulan uu la qaatay beesha caalamka
 

Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka, kuwaa soo ay ka wada hadleen amniga, siyaasadda iyo geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray arrimaha doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland, lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg u bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada labada gole ee matalaya Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta, isagoo u rajeeyay in doorashadu u qabsoonto sida ugu dhaqsaha badan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku celiyay in ay ka go’an tahay xukuumadiisa  in kiiska Ikraan Tahliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo Madaxweynuhu arrintaas ay isku aragti ka noqdaan.

Kulankaan ayaa kusoo aaday xilli beesha caalamku walaac ka muujinayso xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib markii madaxweynaha iyo raysal wasaaraha uu soo kala dhexgalay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online