4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Xukuumada Somaliland oo ka jawaabtay hadalka "dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya" ee uu Cirro isticmaalay
 

Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore,  ayaa guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) ku eedeeyay in uu xaqiraad kula kacay qaranimada Somaliland kadib kalmada "dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya" ee uu isticmalay.

"Waxa ayaan daro ah in guddoomiyaha xisbiga Waddani uu u badheedhay in uu xaqiro qaranimada Somaliland, kadib markii uu wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya uu ku tilmamay kuwo dib u heshiisiineed taasi oo fajiciso ku noqotay shacbiga iyo xukuumadda Somaliland" ayuu yidhi wasiirku sida ay sheegtay wakaalada wararka ee SOLNA.

Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu bogiisa soo galiyay oo uu kaga faaloonayay kulan uu la yeeshay wakiil ka socda dalka Norway ku sheegay in uu la kulmay wakiilka dalka Norway u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

"Waxa aan maanta Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay wefdi ka socda dawladda Norway oo ay hoggaaminayso Ergeyga gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha wada-hadalka, nabadda iyo dib u heshiisiinta Jamhuuriyadda Somaliland & Soomaaliya" ayuu qoraalka Cirro u dhignaa.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]