4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Qoyska Ikraan Tahliil oo gudbiyay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin iyo taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa qabatay dacwad ka dhan ah agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ku xigeenkiisii hore C/llaahi Kulane iyo Yaasiin Farey Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

Dacwadan oo ay xeer ilaaliyaha maxkamadda u gudbisay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil, ayaa lagu eedeeyay masuuliyiinta in ay ka dambeeyaan kiiska  gabadhooda Ikraan Tahliil Faarax.

Qoyska waxay xeer ilaaliyaha ka codsadeen in saddexda masuul loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh kiiskaan islamarkaana baaris qoto dheer lagu sameeyo kiiska afduubka gabadhooda.

Si kastaba ahaatee, madaxweyne Farmaajo ayaa 18ka bishan september isugu yeeraya guddiga amniga qaranka, iyadoo agaasimihii hore ee NISA
Looga dhegaysan doono kiiska Ikraan Tahliil.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa khilaaf xooggan ka dhex abuuray madaxda ugu sarreysa dowladda, kadib markii raysal wasaaruhu arrintaas awgeed uu shaqadii kaga joojiyay agaasimihii NISA.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online