4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegay in weerar lagu yahay dowladda Soomaaliya
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaashi Duqa ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu sheegay in duulaan lagu yahay dowlada iyo shacabka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada ma uusan sheegin cida ay tahay dadka duulaanka ku ah dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ee faafinaya wararka been abuurka ah iyo dacaayada ka dhanka ah dowlada.

Inkastoo uusan waadax aheyn hadalkan uu kusoo qoray afhayeenka madaxtooyada bogiisa Twitter-ka cida uu ku socdo ayaa hadana waxaa xusid mudan inuu jiro khilaaf aad u xoogan oo ka dhaxeeya madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya sida Raysal wasaare  Roobe iyo madaxweyne Farmaajo, tan iyo waxii ka dambeeyay xilka qaadistii Fahad Yaasiin uu ku sameeyay Rooble.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]