4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Booliiska Somaliland oo qabtay dad ku eedaysan in ay samaynayeen lacag been abuur ah


Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland laanta socdaalka ayaa gacanta ku dhigay 5 nin oo u dhashay dalka Nigeria iyo nin sheegay in uu yahay Soomaali-Tansaaniyan, oo ciidanku sheegay in ay ku howlanaayeen samaynta lacago been abuur ah.

Taliyaha Ciidanka  Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaan Caalin, ayaa ka warbixiyay qalabka lagu soo qabtay 6 da qof ee ku eedaysan in ay samaynayeen lacagta been abuurka ah.

"Waraaqo loogu talo galay in lacagta laga sameeyo, kimikooyinkii, kii waraaqaha lagu jar jarayay, waxyaabihii wax lagu calaamad sanayay, oo tabaashiir tani ka mid tahay, dawooyin herbal ah iyo kuwo dareere ah, iyo qalab kale oo waxa caawinaya weeyaan waxa halkaa saarani" ayuu yidhi taliyuhu.

Taliyaha ayaa sheegay in eedaysanayaashu ay Somaliland kaso galeen madaarka Cigaal iyo magaalo xuduudeedka Wajaale, ee ku taala xadka Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahin Baqdaadi, ayaa sheegay in eedaysanayaashu ay ahaayeen koox abaabulan oo doonayay in ay wax yeeleeyan dhaqaalaha Somaliland.

"Waa koox inagu soo duushay oo doonaysay dhaqaalaha Somaliland in ay khal khal galiso, waa niman abaabulan oo woxooda soo dhamaystay, ilaa kimikooyinkii ilaa waraaqihii wax ka dhimani ma jiraan, lacagta ay doonayeen in ay daabacaana waa lacag badan bay ahayd" ayuu yidhi Baqdaadi.

Eedaysanayaasha ayaa la rajaynayaa in maxkamada la horgeeyo 48 ka saacadood ee soo socda.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]