4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu aqbalay iscasilaad uu sameeyay Fahad Yaasiin, xil cusubna u magacaabay
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa aqbalay istiqaalo uu usoo gudbiyay Agaasimaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin,  isagoo dhinaca kale u magacaabay la taliyaha amniga madaxweynaha.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Farmaajo ayaa  xilka  NISA loogu magacaabay gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Hoos ka aqriso Wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo :-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online